Qorshayaal - Initiatives

Istaraatijiyadda booliiska ee qawmiyadaha

Booliiska Niyuusiilaan waxay dejiyeen istaraatijiyad loola jeedo inay hagto habkaan u hawlgallo si loo daboolo baahida nabadgelyo ee jaalliyadaha qawmiyadaha kala duwan. Istaraatijiyaddu waxay soo bandhigaysaa sida booliisku toos ula shaqaynayo xubnaha bulshada iyo hay'adaha kale si loo yareeyo dembiyada iyo cabsida waxyeellada jaalliyadaha qawmiyadaha dhexdooda.

Kusoo biir booliiska

New Zealand waxay leedahay jaalliyedo kala duwan iyo dhaqammo badan waana u baahannahay dad dhaqammo badan kasoo jeeda inay booliiska New Zealand kamid noqdaan. Waxaa jira fursado aad ugu shaqayn karto booliiska adigoo ah sarkaal labis qaata ama mid aan labis qaadan oo doorkiisu yahay taakulayn. Jagooyinka taakulaynta ee aan labiska loo qaadan waxaa si caadi ah loogu soo qoraa wargeysyada.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo la xiriira sidaad ku noqon lahayd sarkaal labisan, fadlan booqo boggeenna shaqoqorista ee shabakada intarnetka.

Warcelin

Waan soo dhawayneynaa fikraddaada iyo talo soo jeedintaada ku saabsan sidii aan kor ugu qaadi lahayn ammaanka bulshadaada. Fadlan la xariir Sarkaalka Xariirinta Qowmiyadaha degaankaaga.