Xuquuqdaada Booliiska - Rights

Doorka Booliiska ee Niyuusiilaan

  • Booliiska Niyuusiilaan waxay masuul ka yihiin sugitaanka in waddanku ahaado meel si nabadgelyo ah loogu noolaan karo iyo in qof walba u hoggaansamo sharciyada dalkaan.
  • Booliiska waxaa loo tababaray inay caawiyaan oo badbaadiyaan qof walba oo Niyuusiilaan ku nool.
  • Doorarka muhiimka ah ee booliiska waxaa ka mid ah kahortagga, baadhista, xallinta iyo yaraynta dambiyada iyo shilalka waddooyinka.
  • Booliisku u dulqaadan mayaan dambi kasta oo qof laga galo oo ku salaysan midab. Eeg warbixinteenna badbaadada la xiriirta dambiyada jidhnacybka.
  • Waxaa kuu furan oo lagugu boorrinayaa in aad booliiska lasoo xiriirto oo lahadasho ama gargaar weydiisato.
  • Booliiska Niyuusiilaan badanaaba hub ma qaataan, marka laga reebo kuwa jooga gegooyinka caalamiga ah ama kooxo gaar ah oo loo yaqaan Kooxaha kahortagga Dambiilayaasha Hubaysan (Armed Offenders Squad).
  • Booliiska Niyuusilaan badankoodu waxay xidhaan labis. Hayeeshee, saraakiisha qaar ay ku jiraan dambibaareyaashu ma xidhaan labis (waa dharcad). Hadduu kusoo wajoho ama wareysi kula yeesho sarkaal dharcad ah waa inuu kuu sheegaa saldhigga booliiska uu ka yimid kuna tusaa kaadka aqoonsiga booliiska.
  • Booliisku waxay la shaqeeyaan beelo kala duwan, qowmiyado iyo hay'adaha dowladda si Niyuusiilaan u noqoto meel si nabadgelyo ah loogu noolaan karo, looga shaqaysan karo, waxna loogu baran karo.

Sidoo kale eeg: War nagu saabsan Qaybaha Adeegga Booliiska Kusoo Biir Booliiska

Damaanadqaadka waxqabadka Booliiska

Booliiska Niyuusiilaan waxay:

  • Qaabilayaan Wicitaankaaga
  • Dacwaddaada u tixgelinayaan si buuxda
  • Kuu samaynayaan adeeg tixgelin leh
  • Kuu sheegayaan hay'adaha kale ee ku caawin kara
  • Kuu sheegayaan waxa qabsoomay, ama qabsoomi doona, si hawlgalladeenna si sax loogu fahmo.

Waxay booliisku xaggaaga ka filanayaan in aad

  • Dhibtaada lasocodsiiso sida ugu dhaqsaha badan
  • U gudbiso akhbaarta ugu badan ee aad hayso
  • Ogeysiiso haddii wax dheeraad ihi dhacaan
  • Kacaawiso inay fahmaan waxaad doonayso
  • Sheegto haddaad u baahan tahay caawimaad.

Xuquuqdaada Booliiska

Hadduu wareysi kula yeesho, ku qabto ama ku xidho booliisku waxaad sharci ahaan xaq u leehday:

  • Waxaad xaq u leedahay in aad latashato oo adeegsato garyaqaan, si dhaqso ah oo kuu gaar ah (iyadoon laydin ku dhex jirin)
  • Waxaad xaq u leedahay in aadan wax wareysi ah bixin
  • Waxaad xaq u leedahay in aad weydiiso sababta su'aalo laguu weydiinayo, laguu qabtay, ama laguu xidhay.

Booliisku waxay hayaan liiska magacyada iyo taleefoonada garyaqaanno aqoon uleh inay talobixin sameeyaan isla markaana aqbalay in lala soo xiriiri karo waqti kasta, habeen iyo maalinba. Weydiiso booliiska liiska Garyaqaanada Caawiya Dadka Booliisku Qabto.

Cabashooyinka ka dhanka ah Booliiska

Haddaad rumaysan tahay in booliisku khalad galay, ama si xun laguula dhaqmay waxaad u gudbin kartaa cabasho rasmi ah, mid ka mid ah meelahan soo socda: