Macluumaadka Qowmiyadaha laga badan yahay

Hordhac | Wargaarsiin | Xuquuq | Badbaado | Beelaha | Qorshayaal
Arabic | Chinese | English | Farsi | German | Hindi | Japanese | Korean | Somali | Spanish | Thai | Vietnamese

Lasoo xiriiridda Booliiska


Wicitaanka 111- ee xaaladaha degdegga ah

Marka xaalad degdeg ahi jirto, lambarkaad wacayso Niyuusiilaan gudeheeda waa 111.

Wicitaanka 111 waa bilaash marka la adeegsanayo taleefoonada dadweynaha iyo kuwa gacantaba

Markaad wacdo 111 waxaa lagu weydiinayaa adeegga xaaladda degdegga ah ee aad doonayso: Booliis, dabdemis ama Ambalaas.

Booliisku wuxuu xaalad degdeg ah u arkaa wixii markaa dhacaya, ama goor dhow dhacay haddii:

  • Dad halis ku jiraan
  • Hanti halis u tahay inay lunto ama burburto
  • Faldembiyeed markaa socda ama dhowaan dhacay, iyadoo dadkii geystay ay meesha ka dhow yihiin.

Xaaladaha aan degdegga ahayn sida baasaboor lumay ama wargelin dembi sida guri loo soo dhacay mar hore, oo aan khatar markaas taagani ka jirin, waa in aad shaqsiyan tagtaa saldhigga booliiska degmadaada.


Wargelin (dacwad geyn) saldhig booliis - xaalad aan degdeg ahayn

Xaaladaha aan degdegga ahayn sida baasaboor lumay ama wargelin ku saabsan dembi sida guri lajabsaday kol hore, waxaad taleefoon ku wici kartaa saldhigga booliiska ee kuugu dhow, ama sida badan waa in aad shaqsiyan tagto saldhigga booliiska si aad u dhiibto warbixin rasmi ah.

Markaad tagto saldhig booliis si aad u geyso warbixin dembi dhacay ama aad dacwooto waa in aad heshaa Foomka Garowshiyaha Dacwadaha (Complaints Acknowledgement Form). Foomkaasi wuxuu leeyahay lambar galka dacwaddaada waxaana ku qoran magaca sarkaalka dacwaddaada qaabilsan.

Markaad dacwaddaada gudbisid booliisku waa inuu kuugu soo jawaabo waqti maangal ah. Haddaad qabto su'aalo la xiriira dacwaddaada waa in aad wacdaa ama markale booqataa saldhiga booliiska una sheegtaa lambarka galka dacwada. Lost passports

Baasaboor lumay - markaad warbixin ka gudbineyso baasaboor lumay, waa in aad booliiska u sheegto lambarka baasaboorka.


Caqabado la xiriira luuqadda/wadahadalka

Haddii ay dhibaato kaa haysato lahadalka booliska sabab luuqadda la xiriirta awgeed, waxaa kuu bannaan fursado ay ka mid yihiin:

  • Saaxiib ama qof xigtadaada ah
    Waxaa kuu tarjumi kara qof saaxiibkaa ah ama xigtadaada ka mid ah si aad booliiska ula hadasho.

  • Khadka Luuqadaha
    Booliisku waxay kuu diyaarin karaan qof taleefoonka kuugu tarjuma. Kani waa adeeg bilaash ah oo loo yaqaan Khadka Luuqadaha. Waydiiso khadka luuqadaha markaad booliiska wacayso ama saldhig booliis tageyso una sheeg afka aad ku hadasho. Khadka luuqaduhu wuxuu shaqeeyaa maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha inta u dhaxaysa 9ka subaxnimo ilaa 6da fiidnimo.



Waan soo dhawayneynaa fikraddaada iyo talo soo jeedintaada ku saabsan sidaan kor ugu qaadi lahayn ammaanka bulshadaada.

Magacaaga:  
Emailkaaga:  
Talobixin:
(Af-Ingiriis)
 
5333 since 9 Apr 2006