Qorshayaal
Istaraatijiyadda booliiska ee qawmiyadaha
Booliiska Niyuusiilaan waxay dejiyeen istaraatijiyad loola jeedo inay hagto habkaan u hawlgallo si loo daboolo baahida nabadgelyo ee jaalliyadaha qawmiyadaha kala duwan. Istaraatijiyaddu waxay soo bandhigaysaa sida booliisku toos ula shaqaynayo xubnaha bulshada iyo hay'adaha kale si loo yareeyo dembiyada iyo cabsida waxyeellada jaalliyadaha qawmiyadaha dhexdooda.
Waxaad ka akhrin kartaa istaraatijiyadda qawmiyadaha: Lashaqaynta Jaalliyadaha Qawmiyadaha - Istaraatijiyedda Qawmiyadaha ee Sannadka 2010
Waan soo dhawayneynaa fikraddaada iyo talo soo jeedintaada ku saabsan sidaan kor ugu qaadi lahayn ammaanka bulshadaada.
Kusoo biir booliiska
Niyuusiilaan waxay leedahay jaalliyedo kala duwan oo dhaqammo kala duwan leh waana u baahannahay dad dhaqammo badan kasoo jeeda inay booliiska Niyuusiilaan kamid noqdaan. Waxaa jira fursado aad ugu shaqayn karto booliiska adigoo ah sarkaal labis qaata ama mid aan labis qaadan oo doorkiisu yahay taakulayn. Jagooyinka taakulaynta ee aan labiska loo qaadan waxaa si caadi ah loogu soo qoraa wargeysyada.
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo la xiriira sidaad ku noqon lahayd sarkaal labisan, fadlan booqo boggeenna shaqoqorista ee shabakada intarnetka.
