Xuquuqdaada Booliiska
Doorka Booliiska Niyuusiilaan
-
Booliiska Niyuusiilaan waxay masuul ka yihiin sugitaanka in waddanku ahaado meel si nabadgelyo ah loogu noolaan karo iyo in qof walba u hoggaansamo sharciyada dalkaan.
-
Booliiska waxaa loo tababaray inay caawiyaan oo badbaadiyaan qof walba oo Niyuusiilaan ku nool.
-
Doorarka muhiimka ah ee booliiska waxaa ka mid ah kahortagga, baadhista, xallinta iyo yaraynta dambiyada iyo shilalka waddooyinka.
-
Booliisku u dulqaadan mayaan dambi kasta oo qof laga galo oo ku salaysan midab. Eeg warbixinteenna badbaadada la xiriirta dambiyada jidhnacybka.
-
Waxaa kuu furan oo lagugu boorrinayaa in aad booliiska lasoo xiriirto oo lahadasho ama gargaar weydiisato.
-
Booliiska Niyuusiilaan badanaaba hub ma qaataan, marka laga reebo kuwa jooga gegooyinka caalamiga ah ama kooxo gaar ah oo loo yaqaan Kooxaha kahortagga Dambiilayaasha Hubaysan (Armed Offenders Squad).
-
Booliiska Niyuusilaan badankoodu
waxay xidhaan labis. Hayeeshee, saraakiisha qaar ay ku jiraan
dambibaareyaashu ma xidhaan labis (waa dharcad). Hadduu kusoo
wajoho ama wareysi kula yeesho sarkaal dharcad ah waa inuu
kuu sheegaa saldhigga booliiska uu ka yimid kuna tusaa kaadka
aqoonsiga booliiska.
-
Booliisku waxay la shaqeeyaan beelo kala duwan, qowmiyado iyo hay'adaha dowladda si Niyuusiilaan u noqoto meel si nabadgelyo ah loogu noolaan karo, looga shaqaysan karo, waxna loogu baran karo.
-
Eeg sidoo kale:
War nagu saabsan
iyo Qaybaha Adeegyada Booliiska
Kusoobiir Booliiska
Damaanadqaadka adeegyada booliiska
Booliiska Niyuusiilaan waxay:
- Qaabilayaan Wicitaankaaga
- Dacwaddaada u tixgelinayaan si buuxda
- Kuu samaynayaan adeeg tixgelin leh
- Kuu sheegayaan hay'adaha kale ee ku caawin kara
- Kuu sheegayaan waxa qabsoomay,
ama qabsoomi doona, si hawlgalladeenna si sax loogu fahmo.
Waxay booliisku xaggaaga ka filanayaan
in aad:
- Dhibtaada lasocodsiiso sida ugu dhaqsaha badan
- U gudbiso akhbaarta ugu badan ee aad hayso
- Ogeysiiso haddii wax dheeraad ihi dhacaan
- Kacaawiso inay fahmaan waxaad doonayso
- Sheegto haddaad u baahan tahay caawimaad.
Xuquuqdaada Booliiska
Hadduu wareysi kula yeesho, ku qabto ama ku xidho booliisku waxaad sharci ahaan xaq u leehday:
- Waxaad xaq u leedahay in aad latashato oo adeegsato garyaqaan, si dhaqso ah oo kuu gaar ah (iyadoon laydin ku dhex jirin)
- Waxaad xaq u leedahay in aadan wax wareysi ah bixin
- Waxaad xaq u leedahay in aad weydiiso sababta su'aalo laguu weydiinayo, laguu qabtay, ama laguu xidhay.
Booliisku waxay hayaan liiska magacyada iyo taleefoonada garyaqaanno aqoon uleh inay talobixin sameeyaan isla markaana aqbalay in lala soo xiriiri karo waqti kasta, habeen iyo maalinba. Weydiiso booliiska liiska Garyaqaanada Caawiya Dadka Booliisku Qabto.
Cabasho kadhan ah Booliiska
Haddaad rumaysan tahay in booliisku khalad galay, ama si xun laguula dhaqmay waxaad u gudbin kartaa cabasho rasmi ah, mid ka mid ah meelahan soo socda:
- Wac ama u qor Hay'adda Cabashooyinka
Booliiska (PCA); PO Box 5025, Wellington, Tel 0800 503 728.
PCA way aqbalaysaa cabasho ku qoran af aan Ingiriisi ahayn.
- Tag Saldhig Booliis ee kasta una sheeg in aad doonayso in aad gudbiso cabasho ka dhan ah booliiska.
- U qor Taliyaha Ciidanka Booliiska qaranka, PO Box 3017, Wellington
- U qor Dacwadbaadhaha dawladda (ombudsman)
- Lahadal ama u qor Mudanahaaga Baarlamaanka
- U qor Taliyaha Booliiska degmadaada:
Booliiska Degmada Nootlaan Sanduuqa Gaarka ah 9016, Whangarei
Waitemata PO Box 331046, Takapuna
Booliiska Degmada Ooklaan Sanduuqa gaarka ah 92002, Auckland
Booliiska Degmada Kaawntis/Manakaaw PO Box 1, Papakura
Booliiska Degmada Weykaato PO Box 3078, Hamilton
Booliiska Degmada Beeyof Belenti PO Box 741, Rotorua
Booliiska Degmada Bari PO Box 245, Napier
Booliiska
Degmada Badhtamaha Sanduuqa Gaarka ah 11040, Palmerston
North
Booliiska Degmada Wellinton PO Box 693, Wellington
Booliiska Degmada Tasman Sanduuqa Gaarka ah 39, Nelson
Booliiska Degmada Kaanterbari PO Box 2109, Christchurch
Booliiska Degmada Koonfureed Sanduuqa Gaarka ah 1924, Dunedin.