Macluumaadka Qowmiyadaha laga badan yahayHordhac | Wargaarsiin | Xuquuq | Badbaado | Beelaha | Qorshayaal Sidaad u xafidan lahayd boorsadaadaBoorsada la iska dafo kama ay dhacdo waddankan New Zealand. Lakiin, haddii aadan ilaashan, waxaa hunguriyeen kara tuugada. Warbixinadan soo socda waxay kugu tusaaleynayaan sidii aad uga hortagi lahayd qatarta ah in boorsadaada lagaa dafo. Isticmaal talooyinkan ku saabsan badbaadinta sida goortaad sidato shandaddaha iyo kombiyuutarada gacanta lagu qaataba. Dibadda iyo hareerahaWaqti kastaba si wanaagsan u xajiso boorsadaada. Habka aad u gashaneyso ha noqoto mid aan gadaashaada laga dafi karin ama uu dafi karin qof ku jira gaari ku gudbaya. Maalin kasta qaado lacag ku filan waxa aad u baahan tahay inaad iibsato. Ra’yi wanaagsan ma aha inaad boorsadaada ku qaadato lacag badan ama dahab iyo wixii la mid ah ama wax kaloo qiimo kuu leh. U dhaqan sida qof is huba iskana ilaali dadka agagaarkaada jooga. Ka fogow goobaha cidlada ah. Haddii ay cabsi kugu jirto kaxeyso qof saaxibkaa ah. Haddii aad is leedahay qof ayaa ku daba socda ama ku eeganaya oo isla markaasna aad dareemeysid cabsi, socodka boobsii una jiheyso dhinaca aad ku badbaadeyso. Goortaad lacag kala soo baxeysid mishiinka waddada ku yaal ee bankiga leeyahay, waxaad istaagtaa meel aad dadka ka arkeysid, qari afartaada lambar ee sirta ah lacagtii aad kala soo baxdeyna si deg deg ah u xareyso. Goortaad isticmaaleyso telefoonka dadweynaha loogu tala galay, u jeeso dhinaca xiga dadka wadada soconaya si aad aga feejignaato in tuugada ay kugu gaadin. Gaariga dhexdiisaXir irdaha gaarigaada boorsadaadana ha dhigin meel laga arki karo. Boorso looga tagay kursiga gaariga isha ayeey soo jiidaneysaa. Haddii ay suuroobi karto gaarigaada istaaji meel ay dad badani socdaan. Boorsadaada hore u qaato goortaad gaarigaada ka baxdo. Furahaada sii diyaarso goortaad gaariga dib ugu soo noqoneysid si aad dhaqso u furto. AdeeggaSuuqyada waaweyn iyo meelaha gaariga la sii dhigto goortaad adeeganeyso waa meelaha tuugada boorsooyinka xada ay ku badan yihiin. Marnaba ha ka tagin boorsadaada. Marnaba ha aga tagin boorsadaada gaariga birta ah ee alaabta aad dukaanka ka soo iibsatay lagu rido ama goorta aad adeegaadii ku xaseyneysid gaarigada. Goortaad dib u celineyso gaariga alaabtaada aad ku soo qaadatay ha ka tagin boorsadaada. Gaadiidka dadweynahaSi adag u xajiso boorsadaada inta aad saran tahay oo idil. Ha dhigin kursiga hoostiisa, ama meesha loogu tala galay shandadaha. Digtoonow goor kastood taagan tahay goobta basaska loo istaago iyo doomaha, meelaha tareenka laga raaco iyo garoonka diyaaradda, ha ka dhaqaaqin boorsadaada. Qaado oo xafido boorsadaada si uu qof kaaga furan shinyeerkeeda ama kala bixin boorsada yar oo lacagta lagu shubto. ShaqadaKu hayso boorsadaada meel aad ka arkeysid, ku xir meel ay kugu nabad galeyso, ama ku rid meel xafidan. Haddaad safar aaddoHaddii aad aga tagtid boorsadaada qolka hotelka ama motelka taasi ma aha hubaal inay kuu badbaadeyso. Haddii ay kuu suuroobi karto ku rid qasnadda amaanka ee qolka taal wax kastood qiimo leh oo aad wadato, ama qasnadda taal miiska hore oo shaqaalaha taagan yihiin. Haddii ay kuu suuro gali karin, alaabtaada qiimaha leh hore u sii qaado. Dariishadaada iska hubi inay xiran tahay, siiba kuwa dhulka la siman ama u furan baalkoonka dibadda. Baararka, maqaayadaha iyo kalaabyadaWaligaa ha aga tagin boorsadaada meel aadan joogin. Goortaad isticmaaleyso musqulaha dadweynaha
loogu tala galay boorsada ha dhigin dhulka ee suro birta albaabka ku
dhegan oo loogu tala galay in wax la surto. Tuugada waa ay laaci karaan
lana carari karaan boorsada taal dhulka albaabka hoostisa. Ha dhigin boorsadaada dhulka ama meel aadan arkeyn, sida kursi hostiisa. Taasi waxaa la mid ah sida kuraasida carwooyinka, garoomada iyo shaneemooyinka. GurigaWaxaad isticmaashaa dastuurka ugu fudud ee quseeya goortaad gurigaada joogto. (Waxaad eegtaa qoraalka Ka hortagga arrimaha tuugada u suurogali kara oo aad ka heleysid warbixin buuxda arrintan ku saabsan.) Ka hortagga tuugaHaddii aad ka shakisan tahay qof doonayo inuu boorsadaada kaala cararo, muuji inaad tahay qof isku kalsoon. La hadal adigoo codkaada kor u qaadaya hujuumayana. Isticmaal ereyada sida I ‘iga leexo’, ‘waxaan wacayaa boliiska’. Waa caadi in qofku uu doonayo inuu alaabtiisa badbaadsato. Lakiin, haddii boorsadaada lagaa dafo oo aad ku dhegto, waxaa dhici karta inta aad la xarbineysid inuu dhaawac ku gaaro. Haddii boorsadaada lagaa xado:
Waxaa dhici karta in qof sheeganaya inuu ka socdo bankigaada ku soo waco, ama shirkadda kaarka deynta ah ama boliiska, uu ku weydiiyo afartada lambar oo sirta ah. Marnaba ha bixin afartaada lambar oo sirta kuu ah. Ha’yadahan marnaba ma dhacayso markay ku soo wacaan in ay ku waydiyaan afartaada lambar oo sirta kuu ah. Ka hortagga dembiyadaBadbaadada qof ahaaneedHoray wax u qorshayso
Yaan lagu sirin
Talooyin guud oo nabadgelyada la xiriira
Gaari kuwadidda NiyuusiilaanQof walba oo gaari kuwada jidadka Niyuusiilaan waa inuu haystaa laysin sax ah. Waddanka Niyuusiilaan dadku waxay gawaarida ku wadaan dhanka bidix ee jidka.
Waa lagu ganaaxi karaa ama laysinkaa lagaa qaadi karaa haddii xawligaagu dhaafo inta loo xaddiday. Haddaad haysato laysin dibadda ah ama ruqsada gaariwadista caalamiga ah, waxaa laguu oggol yahay in aad Niyuusiilaan gaari ku wadato muddo hal sano ah oo ka bilaabanaysa maalintaad dalka soo gashay. Laguuma oggola in aad gaari kaxayso, haddaadan wadan laysin dibadeed ama ruqsada caalamiga ah ee gaari wadista. Waa in aad codsataa laysinka darawalnimada Niyuusiilaan. Haddii booliisku ku qabto adigoo laysin la'aan ama laysin khaldan gaari ku wada, waxaa lagugu amrayaa in aad ganaax bixiso, dib dambena gaari uma kaxayn doontid ilaa aad hesho laysin sax ah. Booliiska kama heli kartid laysinka gaari wadista. Si aad u codsato laysinka darawalnimada Niyuusiilaan waxaad wici kartaa hay'adda gaadiidka dhulka oo taaleefoonkeedu yahay 0800 822422 ama la xiriir xafiiska kuugu dhow ee wakiilka laysin bixinta. Sidoo kale eeg: akhbaarta gaari wadista ee hay'adda gaadiidka dhulku ugu talo gashay dadka dhowaan dalka soo degay iyo kuwa booqashada ku yimaada. Haddaad tahay dhibbane dambi laga galay ama shil waddo wax ku noqday
Rabshadaha guriga/qoyska ka dhexdhaca
Xannaanaynta carruurtaada dalkan Niyuusiilaan
Seeragoyn (trespass)
Afduub iyo cagajuglayn/baadAfduub, cagajuglayn ama isku day afduubid ama qaadasho lacag baad ah waxaa loo arkaa dembiyo culus dalkan Niyuusiilaan. Afduub waa xabis aan sharci ahayn oo lagula dhaqmo qof aan raalli ka ahayn. Cagajuglayn ama baad waa adeegsi hanjabaad si hanti (lacag) looga qaato ama loogu khasbo qof habdhaqan aan caadi ahayn. Niyuusiilaan arrimahaasi waa gefef culus oo lagu mutaysan karo ciqaab dhan 14 sano oo xabsi ah. In kabadan 70% afduubyada ama cagajuglaynta/baadda la gaadhsiiyo booliiska Niyuusiilaan waxay keenaan in la ciqaabo kuwa geystay faldambiyeedkaas. Dembi jidhnacaybBooliiska iyo guud ahaan dadka reer Niyuusiilaan u dulqaadan mayaan meelkadhacyo ku salaysan qofka midabkiisa. Gefefkaas oo kale waxaa loo yaqaan dembi "jidhnacayb". Faldembiyeedka noocaas ah marka lasoo gaadhsiiyo booliiska, baadhitaan culus ayaa lagu sameeyaa. Booliisku waxay toos ula shaqeeyaan wakiilada jaaliyadaha qowmiyadaha-laga badan yahay- ururada sida Guddiga Xuquuqda Aadamiga si loo difaaco xorriyedda iyo xuquuqda dhammaan jaalliyadaha Niyuusiilaan. Haddaad ka warhayso gefef midabtakoor ku salaysan, ama dhibaatooyin loo geysanayo qoyskaaga ama jaalliyeddaaada waa in aad soo sheegtaa.
Musuqmaasuq socdaal (dal soo gelid)Waxaa kuu bannaan in aad adeegsato wakiil arrimaha socdaalka, adiga ayaana ka masuul ah wixii dukumenti ah ee wakiilkaagu u gudbiyo waaxda socdaalka. Bixinta fiisooyin, ruqsado dal kujoogid iyo dukumentiyo kale oo beenabuur ah waa musuqmaasuq, booliiskuna si adag ayay wax uga qabanayaan. Hadday kula tahay in qof si ulakac ah kuugu sheegay macluumaad socdaal oo been ah, isla markaana aad lacag ku bixisay adeeggaas, waa in aad taas gaarsiiso booliiska iyo Waaxda Arrimaha Socdaalka ee Niyuusiilaan. Isdabamarin maaliyadeed(Hanti lunsasho)Si looga baaqsado dhagar ama khayaamo lacageed, booliisku waxay talo ka bixiyaan lamacaamilka hay'adaha maaliyedda caanka ah ee la qaddariyo marka maalgelin lasamaynayo ama amaah laqaadanayo. Meel ammaan ah ku xafid kaadhka amaahda (credit card), kaadhka lacagta lagula baxo iyo lambarrada aqoonsiga (pin numbers). Cidna hasiin lambarradaas aqoonsiga. Marwalba weydii aqoonsi qofka doonaya inuu jeeg kuu qoro markuu wax kaa gato ama kusiinayo ijaarka adeeg aad u fulisay. Haddaad u aragto in qof ama shirkad maaliyadeed iskudayeyaan inay ku khayaameeyaan, la soo xiriir booliiska. Akhri macluumaad dheeraad oo ku saabsan Musuqmaasuqa Jeegagga iyo Kaadhadhka Amaahda (Credit Card). Maxaad yeeli haddii...Haddii aqalkaaga lajabsado:
Haddaad gasho shil gaadhi:
Haddaad gaadhi waddo:
Haddii lagugu handado lacag ama hanti awgeed:
Talasiinta dukaanleydaTuugada dukaanada xaddaNoqo qof qibrad leh· Shaqaale si wanaagsan u tarbiyeeysan waa kuwa aqoonta u leh sidii ay tuugga u qaban lahaayeen. · Salaan qofka wax kaa iibsanaya isla markuu soo galena wareyso haddii uu caawinaad u baahan yahay. Hadii aanaad si dhaqso ah u caawin Karin tusi in aad aragto. · Ku kalsonow dareenkaada. · Ha iska qiyaasin – qof kasto waxbuu xadi karaa waana laga xadi karaa. Haddii aad u maleeyneyso in uu tuug dukaankaada ku jiroHa ka baqin inaad su’aasho labo ama seddex jeer qofka aad ka shakisan tahay, adigoo su’aalaya waxa uu u baahan yahay oo aad ku caawini karto. Tuugada sidoodaba ma jecla shaqaalaha jecel inay caawiyaan dadka dukaanka wax ka iibsanaya – dareenka tuuga galaya ayaa waxay tahay inaad ogtahay danta uu leeyahay. Qofka daacadda ah oo wax iibsanaya ma dhibeyso digtoonida shaqaalahaada. Haddii aad aaminsan tahay in wax la xaday· Mar kastaba ka fikir nabad gelyadaada. U yeero qof kale oo shaqaalaha ka mid ah inuu ku caawiyo, iyo haddii aad dareemeyso in ay naftaada sinnaba qatar ugu jirto, ha iska baxo qofka aad ka shakisan tahay. · La hadal qofka aad ka shakisan tahay adigoo isku sheegaya qofka aad tahay. Meel fog ka istaag. · Hadalkaada ha noqdo mid xushmad leh. Ha ku qaadin hujuum. · U sheeg wixii aad aragtay oo ay sameynayeen. · Weydii in ay kuu raacaan xafiiskaada. Haddii qofka aad ka shakisan tahay raalli ka yahay su’aashaada · Haddii aad keligaa tahay, iska hormarsii qofka aad ka shakisan tahay oo gadaashiisa soco. Haddii aad heysato caawimaad, shaqaalaha kale ha hor kacaan qofka laga shakisan yahay si ay u tusaan wadadii uu mari lahaa. · Eeg oo ka feejignow haddii uu tuuray wixii uu doonayey inuu xado. · Goorta aad xafiiska tagtaan, fariisi qofka aad shakiga ka qabto meel ay ku qarin Karin kana ama ka xadi karin alaab kale. (Talo siin – albaabka xafiiskaada goor kasta ha kuu furnaad inta aad qofka aad shakiga ka qabtay la hadleyso, ama shaqaalahaada mid ka mid ah goobjoog ha ahaado si uu marqaati kuugu noqdo haddii qofka aad su’aaleyso kugu dacweysto inaad six un ula dhaqmatay.) · Qoro wax kastoo qofka aad ka shakisan tahay uu ku sheegay ama qirtay. · Waxaad wacdaa 111 oo weydiiso inaad dooneyso boliiska. · Goorta ay boliiska kuu imaadaan, adiga ayeey ku wareysanayaan marka hore. Ka dib ayeey wareysi la yeelanayaan qofka aad ka shakisaneyd ka dibna go’aan ay ka gaarayaan haddii ay xirayaan iyo haddii kale. Waxaa kale oo ay baarayaan qofka aad ka shakisan tahay dibna kuugu soo celinayaan alaabtii lagaa xaday. · Waxaa dhici karta alaabta lagu qabtay tuuga, inay boliiska kaa deynsadaan si loo hordhigo maxkamadda. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa ay ku siinayaa warqad caddeyneso in alaabtaasi lagaa heysto. Waxaay weydiinayaan maxkamadda inay alaabtaada dib laguugu soo celiyo. · Waxaa dhici karta inaad oggolaato ama go’aan ku garto in eedeysanaha siiso warqad sharciyeeysan oo ah digniinta xadgudubka ( eeg foomkeena digniinta xadgudubka ) taasi waxay eedeysanaha ku qasbeysaa inuu dukaankaada cagta soo dhigin muddo labo sano ah. Haddii uu eedeysanaha yahay qof dagaalamaya ama fakadey · Waxaa wanaagsan inaad sii deeyso intaad khatar geli lahayd. · Haddii aad dareemeysid inaad Qatar ku jirin, meel fog ka jog. · La socodsii shaqaalaha midkood inaad tuug dukaanka xaday daba rooreysid iyo inay wacaan 111 oo ay weydiiyaan boliiska. · Qofka wacaya boliiska waa inuu sheegaa goobta dukaankaada ku yaal, sida adiga iyo eedeysanaha aad u egtihiin, iyo dhinaca aad u aadeen. · Haddii aad dabasocotid tuug, waxaad qaadataa talefoonkaada gacanta haddii aad haleesho. Wac 111 u sheeg boliiska inaad daba socoto tuug dukaankaada xaday. Waxaad kaloo u sheegtaa meesha aad mareyso iyo jahada aad u ordeysaan. · Goorta aad aragto gaariga boliiska, gacanta u lul iskuna sheeg qofkaad tahay. · Sii boliiska tilmaanta muuqaalka tuuga.
Dhicid/boobidNoqo qof qibrad leh· Noloshaada iyo nabadgeliyadaada waa ay ka qiimo badan tahay lacagta. · Waxaad xaqiijisaa in shaqaale kasta og yahay kana fikiray wixii ay sameyn lahayeen haddii ay dhacdo in la idin dhaco. · Diyaarsada dhowr hab oo aad isticmaashaan. · Qasdigaada ha noqdo inuu dembiilaha baxo isagoo qofna wax gaarsiin. Firo gaar ah: dhicidda ama boobidda waqtiga ay qaadato waxay ka yar tahay hal daqiiqo.
Talooyinka ku nabadgeli lahayd· Noqo qof deggan. · Samee wixii lagu sheego. · Tixgeli in hub gacmeedku yahay mid run ah oo ay xabadi ku jirto. · Si feejigan u qeex dambiilaha wajigiisa, adigoon eegeeyn. · Haddii ay qatar ahayn, eeg jahada uu eedeysanaha aaday iyo tilmaanta gaariga iyo lambarka taargada gaariga. · Isla markuu eedeysanaha baxo, waxaad wacdaa 111 weydiiso Boliiska. · Ka jooji dadka in ay soo galaan sakxada uu dambiilha isticmaaley. · Weydiiso markhaatiyaasha inaysan bixin oo ay sugaan Boliiska isla marksna la hadal. Haddii aad hayso waqti inta uu Boliiska imaan, weydii qof kasta inuu qoro tilmaanta dambiilaha iyo gaarigiisa. · Ha muujinin “inaad tahay geesi”. · Ha isku adkeynin. · Ha sameyn dhaqdhaqaaq lama filaan ah, inaad la hadasho, ama inaad eegto. · Ha daba ordin dambiilaha. · Ha taaban wax kasta uu dambiilaha taabtay. Maamulka lacagta naqadka ahAmaanka maamulka lacagta naqadka ah waxay yareyneysaa fursadii lagugu dhici lahaa ama xadi lahaa ladagtaada. Tiri lacagtaada iyadoon lagu arkeyn dadna kaa ag dhoweyn. Ha kaga faaloonin fagaaraha lacagaha kuu soo xarooday. Ka feejignow inay qasnadaada ku oolin meel qof kasta ka arki karo, kuna taal meel badbaadsan oo dadka kaa adeeganaya aaysan u muuqan. Ka faaruqi qasnadda lacagta ku jirta goor kasta bankigada ku shub ama ku xasee meel la hubo inay ku badbaadeyso. Goobta bangiga ee lacagta lagu rido iyoqasnadda waqtiga ku xirmata waxay iyagoo diyaar ah laga heli karaa shirkadaha ilaalada nabadgeliyada. Inta aadan ka soo saarin ama ku xareyn lacag cadaan ah oo isku xiran qasnadaada goorta aad shaqada bilaabeysid ama aad dhameeyneysid, waxaad hubisaa in dukaanka uu xiran yahay amaana yahay dadka ka shaqeeya keliyana ay goobjoog yihiin. Is gaarsinta lacagta naqadka ahKa soo qaad inaad xiriir shaqaale la yeelato shirkadda lacagta xambaarta haddii ay jirto lacag badan oo u baahan si joogto ah in lagu shubo bankiga. Haddaba noocasi waa kan ugu wanaagsan oo lagu sugi karo badbaadada lacagtaada. Inaad dibadda u baxdo adigoo lacag caddaan ah gacanta ku wadata waa arrin aad qatar u ah, qofka wada lacagtana waxaa uu ku jiraa qatar laga bilaabo goorta uu socdaalkaas bilaabay ilaa uu ka tagayo. Talooyinka soo socda waa kuwo kugu caawinaya sida loo yareen lahaa khatarta ah in lagu dhaco ama weerar lagu qaado shaqaalaha lacagta naqadka ah wada iyagoo lugeynaya ama gaari ku geeynaya bankiga. · Kala badbadal waqtiga aad lacagta geyneyso ama ka soo qaadeyso si aay u adkaato in la helo dhaqdhaqaaqa jadwalka lacagtaada. · Kula tali shaqaalahada inay xirtaan maro weyn ( sida jaakad weyn) si aan loo arkin dharka labiska ee shirkadaada laguna soo aqoonsan. · Goor kasta isticmaal qof weyn inuu qaado lacagta. Haddii ay kuu suuroobi karto qof kale ku dar si ay lacagta u wada ilaaliyaan. · Ha ku qaadin lacagta kiish ku qoran bank ama kiish muujinaya in lacag ku jirto. Haddii aad sooneyso inaad lacagta ku qaado boors, isticmaal mid aan u ekeyn in lacag ay ku jirto ama lagu wado. · Isticmaal wadada ugu fudud iyo tan ugu dad badan ee tagta bankiga. Ku lugee dhinaca gaarida kaa hor imaanayaan ee ha ku lugeyn dhinaca gaarida ay dib kaaga imaanayaan. · La socodsii shaqaalaha kale inaad bankiga aaday iyo goorta ay ku filan doonaan inaad dib uga soo noqon doonto. · Qaado talefoonkaada gacanta. · U qorshee shaqaalaha iney heystaan alaarmi oo ay isticmaali karaan haddii la weeraro. · Haddii aad gaari u qaadaneyso bankiga, wadada bedel goor kasta si aan loo qiyaasin wadada aad mari doonto. · Mar kasta ka digtoonow haddii aad aragto dad shaki ku geliyey ama gaari aad is leedahay waa uu ku dawa socda. · Isku xir irdaha gaarigaada inta aad bankuga u socoto, marnaba wadada ha sii jog joogsan. |

Xawliga gawaarida lagu wado waa 50km saacaddii magaalooyinka dhexdooda
iyo 100km saacaddii jidadlka kale. Calaamadaha waddooyinka ayaa
tilmaama marka xaddidaadda xawligu isbeddesho.

