Booliiska iyo bulshadaada dhexdeeda - Communities

Saraakiisha xidhiidhinta qawmiyadaha - reer Aasiya

Booliisku waxay leeyihiin hawlwadeenno gaar ah oo la shaqeeya jaalliyadaha qowmiyadaha laga badan yahay ee dalka ku baahsan. Waxay la shaqeeyaan jaalliyadaha si ay uga caawiyaan fahmidda iyo ka faa'iidaysiga adeegyada booliiska; la socodsiinta booliiska waxay jaalliyaduhu tabanayaan; iyo inay ciidammada ammaanka kala shaqeeyaan baadhista iyo ka hortagga dembiyada jaalliyadaha qawmiyaduhu ku lugleeyihiin.

Waxay ku faraxsan yihiin inay maqlaan waxaad ka walaacsan tihiin oo ay kaala shaqeeyaan sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka jaalliyadaha qawmiyadaha.

Ciddaad la xiriirayso

Saraakiisha Xidhiidhinta Qowmiyedaha - Inaad la xidhiidhto sarkaal xidhiidhinta ee degaankaaga si uu kaaga caawiyo helitaanka adeegyada booliiska.

Booliiska Degmada - Si aad u ogaato halka saldhigga booliiska degaankaagu ku yaal iyo sidaad ula xiriiri lahayd booliiska degaankaaga.