Gaari wadidda Niyuusiilaan dhexdeeda - Driving in New Zealand

Gaari wadidda Niyuusiilaan dhexdeeda

Qof walba oo gaari kuwada jidadka Niyuusiilaan waa inuu haystaa laysin sax ah. Waddanka Niyuusiilaan dadku waxay gawaarida ku wadaan dhanka bidix ee jidka. Xawliga gawaarida lagu wado waa 50km saacaddii magaalooyinka dhexdooda iyo 100km saacaddii jidadlka kale. Calaamadaha waddooyinka ayaa tilmaama marka xaddidaadda xawligu isbeddesho. Waa lagu ganaaxi karaa ama laysinkaa lagaa qaadi karaa haddii xawligaagu dhaafo inta loo xaddiday. Haddaad haysato laysin dibadda ah ama ruqsada gaariwadista caalamiga ah, waxaa laguu oggol yahay in aad Niyuusiilaan gaari ku wadato muddo hal sano ah oo ka bilaabanaysa maalintaad dalka soo gashay. Laguuma oggola in aad gaari kaxayso, haddaadan wadan laysin dibadeed ama ruqsada caalamiga ah ee gaari wadista. Waa in aad codsataa laysinka darawalnimada Niyuusiilaan. Haddii booliisku ku qabto adigoo laysin la'aan ama laysin khaldan gaari ku wada, waxaa lagugu amrayaa in aad ganaax bixiso, dib dambena gaari uma kaxayn doontid ilaa aad hesho laysin sax ah. Booliiska kama heli kartid Laysinka Wadida baabuurta. Si aad u codsato laysinka darawalnimada Niyuusiilaan waxaad wici kartaa hay'adda gaadiidka dhulka oo taaleefoonkeedu yahay 0800 822422 ama la xiriir xafiiska kuugu dhow ee wakiilka laysin bixinta. Sidoo kale eeg: akhbaarta gaari wadista ee hay'adda gaadiidka dhulku ugu talo gashay dadka dhowaan dalka soo degay iyo kuwa booqashada ku yimaada.  

Haddaad tahay dhibbane dambi laga galay ama shil waddo wax ku noqday

  • Booliiska Niyuusiilaan ayaa ka masuul ah inay baadhitaan ku sameeyaan dembiyada iyo shilalka waddooyinka iyo sugidda ammaanka dadka.
  • Haddaad aragto dembi ama shil waddo oo dhacaya, ama adiga dambi lagaa galo, fadlan taleefoon u dir booliiska oo lasocodsii waxa dhacay gargaarna dalbo. Aad bay muhiim u tahay in aad booliiska u sheegto waxa dhacay.
  • Marka xaalad degdeg ahi kula soo deristo, wac booliisk oo dirso 111.
  • Marar badan, booliisku waxay rabaan inay tagaan meesha dembigu ka dhacay (goobta fal-dambiyeedka).
  • Xaaladaha aan deg degga ahayn, booliisku waxaa laga yaabaa inay ku weydiistaan in aad saldhiga booliiska tagto si aad u dhiibto warbixin rasmi ah.
  • Booliisku waxaa laga yaabaa inay doonayaan inay kaa la hadlaan fal-dembeyeedka oo ay caddayn iyo xogwarran kaa helaan, si dambiilaha gacanta loogu soo dhigo amaba loo xidho hadday habboon tahay.
  • Booliiska Niyuusiilaan aad bay ugu wanaagasan yihiin soo qabashada dambiilayaasha iyo xallinta dembiyada.
  • Haddaad aragtay qof dembi gelaya ama sabab u ah shil waddo, waxaad booliiska ku caawin kartaa adigoo usheega siduu u egyahay qofkaasi.
  • Gargaarka Dhibbanayaashu waa urur kale oo toos ula shaqeeya booliiska, si ay kuu caawiyaan marka dembiyada ama shilalku dhacaan.
  • Ururka Gargaarka dhibbanayaashu waxay kaa caawinayaan su'aalo kasta ama walaaca kaala soo gudboonaada in aad tahay dhibbane ama markhaati.
  • Haddii lasoo xidho qofkii dembiga ama shilka geystay, waxaa laga yaabaa in maxkamad loo gudbiyo.
  • Sidoo kale waxaa laga yaabaa in aad maxkamadda tagto si aad u caddayso oo faahfaahin uga bixiso wuxuu qofkaasi kuu geystay. Lataliyeyaasha Dhibbaneyaasha ee Maxkamadda ayaa kaa caawinaya akhbaarta ku saabsan sida maxkamaddu u dhacayso.
  • Dalka Niyuusiilaan dhammaan dhibaneyaashu waxay leeyihiin xuquuq ay ka mid tahay in laguula dhaqmo si xushmad iyo naxariisi ku jirto. Xeerka Xuquuqda Dhibbaneyaasha ee 2002 ayaa tibaaxaya waxaad xaq u leedahay haddaad dhibane tahay.

Haddaad gasho shil gaadhi

  • Aad bay muhiim u tahay in aad isdejiso oo ku dadaasho in aad caadi ahaato haddaad ku lug yeelato shil gaadhi.
  • Waa in aad joogsato oo hubiso in dad kale dhaawacmay ama hanti waxyeello gaadhay.
  • Haddii dad dhaawacmay, wac 111 oo codso booliis iyo ambalaas. Haddaadan taleefan diri karin weydiiso inuu qof kale kuu diro. Qofka shilka usababta ah booliiska ayaa caddaynaya.
  • Waxaa laga yaabaa in booliisku xabsiga dhigo qofka shilka sababay, hadduu qofkaasi jebiyey sharciga waddooyinka Niyuusiilaan.
  • Shilalka aan sidaas usii ba'nayn ee aan cidina wax ku noqon, waxay u badan tahay inaan booliisku imaan goobta shilka. Waxaase lagaa doonayaa in aad adigu booliiska wargeliso.
  • Haddaad ku lug leedahay shil gaadhi, waxaa sharci ahaan lagaa rabaa in aad booliiska wargeliso muddo 24 saac gudohood ah shilka kaddib.
  • Haddaad caymis ku jirto, usheeg shirkadda caymiska in aad shil gashay.
  • Markaad codsanayso magdhowga caymiska, waxaad u baahan tahay lambarka galka booliiska.
  • Usheeg magacaaga iyo ciwaankaaga darawalka gaadhiga waxgaareen ama milkiilaha hantida waxyeelladu gaadhay. Haddii darawaliin kale shilka ku lug leeyihiin, ku dadaal in aad ogaato inay caymis leeyihiin iyo shirkadda ay caymiska ku leeyihiin.
  • Haddaadan wadan karin gaadhiga shilka kaddib, ka badbaadi hallow ama waxyeello dheeraad ah. Tusaale ahaan, gaadhiga u durki jidka qarkiisa, albaabadana u xidh. Kala bax gaadhiga oo qaado alaabadaada gaarka ah.

Haddaad gaadhi waddo

  • Booliiska Niyuusiilaan ayaa ka masuul ah xaqiijinta in darawaliintu u hoggaansamaan sharciyada gaadhi wadista dalka.
  • Qofkii jebiya sharciyadaas gaadhi wadista, waxaa suurtowda in laysinka ama gaadhiga laga qaado. Lagaba yaabee in qaar xabsiga loo dhaadhiciyo.
  • Si aad Niyuusiilaan gaadhi u kaxayso, waa in aad ugu yaraan 16 jir tahay oo laysinka darawalnimada haysato.
  • Si aad mooto u kaxayso, waa in aad haysato laysinka gaarka ah ee mootooyinka.
  • Waa in aad wadoto laysinkaaga darawalnimo marwalba oo aad gaadhi wadayso.
  • Waa in gaadhigu leeyahay ruqsada fayaqabka (WoF) iyo diiwaangelin aan dhicin.
  • Waa in aad barato qaanuunka waddooyinka oo sharxaya nidaamka gaadhiwadista Niyuusiilaan.
  • Markay gaadhi saaran yihiin, carruurta da'doodu ka yar tahay 7 jir waa in lagu xidho kurisiga caruurta u gaarka ah (kursi ammaan ah) oo waafaqsan da'dooda, cabbirkooda iyo culayskooda.
  • Niyuusiilaan dhexdeeda gaadhi ha wadin adigoo khamri cabsan. Ha ku wadin gaadhiga xawli dheeraad ah, mar walbana ha kuu xidhnaado suunka gaadhigu.
  • Qofkasta oo gaadhi saaran waa inuu xidhto suunka badbaadada. Dadka gaadhiga xaggiisa dambe saaraanna waa inay sidoo kale suumanka xidhtaan.