Ka hortagga dembiyada - Crime prevention

Badbaadada qof ahaaneed

Horay wax u qorshayso

  • Diyaarso liiska taleefoonada dad aad wacan karto markay ku qabsato xaalad deg deg ah. Taleefoon hakuu yaallo sariirta agteeda
  • Isku afgarta deriskaagu inay kuu ilaaliyaan guriga. Tusaale ahaan, kula heshii inay waraaqahaaga boostada kaaga saaraan markaad fasax u baxdo.
  • Ku talogal in aad hesho digniin bixiye (alarm) gaar ah oo aad kadhawaajin karto marka xaalad degdeg ahi kula soo deristo.
  • Ku dadaal in aad gurigaaga ku xidho alaamka meesha fog lagala socdo.
  • Yaan lagu sirin
  • Haddii qof aadan aqoon gurigaaga yimaado oo ku weydiisto inuu taleefoonkaaga dirsado, adigu u dir lambarka uu doonayo. Looma baahna inuu gurigaaga soo galo ama aad albaabka ka furto.
  • Waxba haku darsan dad aadan aqoon oo albaabka kuu soo istaaga ama kusoo waca.
  • Ha kala hadlin hantidaada lacageed dad aadan aqoon, taleefoonna haku sheegin tafaasiir ku saabsan akawntigaaga bangiga ama kiridhitkaadkaaga.
  • Hel isbarbardhig qiimayn ama qaansheegtooyin dawr ah intaadan shaqaalaysan qof farsamo yaqaan ah ama talobixin weydiiso qof saaxiibkaa ah.
  • Haddaad u malayso in qof isku dayayo inuu ku khayaameeyo, la xiriir booliiska.

Talooyin guud oo nabadgelyada la xiriira

  • Guriga ha ku kaydsan lacag fara badan iyo murriyado (sida dahabka).
  • Waligaa ha qiran in aad keligaa guri joogto.
  • U samee albaabka gurigaaga daloolka wax laga arko.
  • U samee albaabka laga soo galo silsiladaha ammaanka ee gudaha ka xidhma.
  • Haddii si khalad ah taleefoon laguugu soo diro, marna ha sheegin magacaaga iyo ciwaankaaga.
  • Weydiiso liistada ammaan sugidda qofka lagala xiriiro Istaakulaynta Deriska.

Haddii aqalkaaga lajabsado

  • Haddaad guriga kusoo noqoto oo aad ogaato in loo dhacay, isla markaana aad umalayneyso in tuuggii weli aqalka ku jiro, guriga ha gelin. Deg deg ula xiriir booliiska oo wac 111 adigoo taleefoon kale isticmaalaya. Eeg Sida loo soo Tebiyo Warbixinta Dembiyada
  • Haddaad u malayso in tuuggii guriga ka tagey, wac ama tag saldhigga booliiska kuugu dhow si aad ugu sheegto xatooyada.
  • Markaad saldhigga booliiska tagto oo aad warbixinta geyso waa in lagu siiyo foomka qiraalka ku saabsan warbixintaas. Kaas waxaa loo yaqaan 'Foomka Garawshiyaha Dacwada'. Foomkaas waxaa ku qoran lambarka galka dacwada iyo macaga sarkaalka dacwada ku hawlan.
  • Meeshooda haka qaadin hana taaban alaabada laga yaabo in tuuggu taabtay ama halkoodii ka qaaday, waayo waxaa laga yaabaa in booliisku caddayn ahaan ugu baahdo alaabadaas. Tusaale ahaan, booliisku wuxuu u baahan karaa inuu eego astaamaha faraha ee tuuggu ka tagey.
  • Haddii aqalkaaga iyo alaabada taal caymis ku jiraan, usheeg shirkaddaada caymiska in lagu dhacay.
  • Markaad caymiska u gudbinayso codsigaaga magdhowga, waxaad u baahanaysaa lambarka galka dacwada ee booliiska.
  • Xiriiriyeyaasha soo socda ayaa macluumaad wanaagsan ka bixinaya guryo jabsiga Niyuusiilaan iyo siyaabaha looga hortagi karo:

Daryeelidda carruurtaada dalkan Niyuusiilaan

  • Sharciga Niyuusiilaan wuxuu dhigayaa in dhammaan carruurta iyo dadka da'yarta ahi xaq u leeyihiin inay badbaadaan oo la daryeelo.
  • Waa muhiim in aad carruurtaada ilaaliso si ay u nabadgalaan oo aan dembi loogu geysan iyaguna aynan dembi ugu lug yeelan.
  • Niyuusiilaan carruurta da'doodu ka yar tahay 14 jir waa in marwalba isha lagu hayo si ay u nabadgalaan. Marnaba ha uga tegin ilmo 14 ka yar guri ama gaari iyagoon lala joogin.
  • Markay gaari saaran yihiin carruurta 7 jir ka yar waa in lagu xidho kursi ammaan ah oo ku habboon da'dooda, cabbirkooda iyo culayskooda.
  • Haddaad baxayso weydiiso qof qoyskaaga ka tirsan ama saaxiibkaa ah- oo aad ku kalsoon tahay- inuu carruuurta kuu hayo. Haddaad ilamaha qof u dhiibanayso markaad shaqo jirto ama guriga ka maqan tahay, waa in qofkaas da'diisu tahay 14 jir iyo wax ka sarreeya.
  • Ku dadaal in carruurtaadu marwalba kula soo xiriiiri karaan adiga ama qof aad ku kalsoon tahay. Tusaale ahaan, hubi inay garanayaan taleefoonkaaga gacanta ama kan shaqada.
  • Hadday kula tahay in ilmahaaga dembi laga galay, ama uu dembi ku lug leeyahay waa in aad booliiska la socodsiiso.
  • Waxaa jira saraakiil booliis oo gaar ah oo loo yaqaan "Hawlwadeennada Taakulaynta Dhallinyarada", kuwaaso ku shaqo leh da'yarta dembiyada ku lug leh. Waxay kaa caawin karaan sida ugu habboon ee aad carruurtaada ku badbaadin kartid.
  • Booliiska Niyuusiilaan waxay kaloo leeyihiin hawlwadeenno gaar ah oo qaabbilsan adeegyada waxbarashada dhallinyarada kuwaasoo la shaqeeya macallimiinta dugsiyada si ay da'yarta uga caawiyaan siday ku nabadgeli lahaayeen.
  • Waad kala hadli kartaa iskuulkaaga waxay carruurta baraan si ay ku nabad galaan.
  • Xilliyada fasaxa dugsiyada isku day inay carruurtaadu ka qaybgalaan ciyaaro ama hawlo kale oo ay ku mashquulaan. Jaalliyado badani waxay qabanqaabiyaan barnaamijyo fasax si ay carruurtu ugu mashquulaan oo maaweelo uga dhigtaan.
  • Da'yarta isku hawsha ciyaaraha ama dhaqdhaqaaqyo kaloo wanaagsan, waxay u badan tahay inaysan ku lugyeelan dembi.

Seeragoyn - seeragudub

  • Seeragoyn waa iyadoo ruqsad la'aan la galo qofkale gurigiis ama goobtiisa shaqo.
  • Seeragoyni waa dembi.
  • Haddii qof seeragoyn sameeyo waxaa loo sheegi karaa inuu meesha iskaga tago ama waxaa la siin karaa digniin seeragoyn.
  • Digniin seeragoyn waxaa la siin karaa qof kasta, xitaa carruurta waa la siin karaa. Tusaale ahaan hadduu qof dukaan wax ka xado, milkiilaha dukaanku wuxuu qofkaas siin karaa digniin seeragoyn.
  • Digniinta seeragoyntu waa codsi rasmi ah oo lagu dalbanayo inuu qofku goobta milkiyadda iskaga fogaado.
  • Hadduu qofku iska dhegatiro digniinta, iskuna dayo inuu qof milkiyaddiisa kusoo xadgudbo booliiska ayaa loogu wici karaa inay meesha ka saaraan.
  • Booliisku way xidhi karaan qofka seeragoyska ah.
  • Qofka seeragoyska ah waxaa la ganaaxi karaa lacag dhan $1000 ama waxaa la xidhi karaa muddo 3 bilood ah.
  • Digniinta seeragoyntu waxay kahortag u noqon kartaa in qof ku xadgudbo milkiyadda qof kale muddo laba sano gaadhaysa.