Mawduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan dambiyada - Hot topics relating to crime trends

Haddii lagugu handado lacag ama hanti awgeed

  • Haddii ruux kuu hanjabo ama ku cabsi geliyo lacag ama hanti darteed, ama kugu khasbo habdhaqan aan caadi ahayn, booliiska wac oo udir 111.
  • Haddii ruux kuu hanjabo ama isku dayo inuu ku afduubo, booliiska udir 111.
  • Booliisku si adag ayuu ula dhaqmaa dembiyada noocaan oo kale ah, heerka xallintooduna waa mid aad u wanaagsan.

Afduub iyo cagajuglayn - baad

Afduub, cagajuglayn ama isku day afduubid ama qaadasho lacag baad ah waxaa loo arkaa dembiyo culus dalkan Niyuusiilaan. Afduub waa xabis aan sharci ahayn oo lagula dhaqmo qof aan raalli ka ahayn. Cagajuglayn ama baad waa adeegsi hanjabaad si hanti (lacag) looga qaato ama loogu khasbo qof habdhaqan aan caadi ahayn. Niyuusiilaan arrimahaasi waa gefef culus oo lagu mutaysan karo ciqaab dhan 14 sano oo xabsi ah. In kabadan 70% afduubyada ama cagajuglaynta/baadda la gaadhsiiyo booliiska Niyuusiilaan waxay keenaan in la ciqaabo kuwa geystay faldambiyeedkaas.

Musuqmaasuq dal soo gelid

Waxaa kuu bannaan in aad adeegsato wakiil arrimaha socdaalka, adiga ayaana ka masuul ah wixii dukumenti ah ee wakiilkaagu u gudbiyo waaxda socdaalka. Bixinta fiisooyin, ruqsado dal kujoogid iyo dukumentiyo kale oo beenabuur ah waa musuqmaasuq, booliiskuna si adag ayay wax uga qabanayaan. Hadday kula tahay in qof si ulakac ah kuugu sheegay macluumaad socdaal oo been ah, isla markaana aad lacag ku bixisay adeeggaas, waa in aad taas gaarsiiso booliiska iyo Waaxda Arrimaha Socdaalka ee Niyuusiilaan.

Wax isdabamarin maaliyadeed

Si looga baaqsado dhagar ama khayaamo lacageed, booliisku waxay talo ka bixiyaan lamacaamilka hay'adaha maaliyedda caanka ah ee la qaddariyo marka maalgelin lasamaynayo ama amaah laqaadanayo. Meel ammaan ah ku xafid kaadhka amaahda (credit card), kaadhka lacagta lagula baxo iyo lambarrada aqoonsiga (pin numbers). Cidna hasiin lambarradaas aqoonsiga. Marwalba weydii aqoonsi qofka doonaya inuu jeeg kuu qoro markuu wax kaa gato ama kusiinayo ijaarka adeeg aad u fulisay. Haddaad u aragto in qof ama shirkad maaliyadeed iskudayeyaan inay ku khayaameeyaan, la soo xiriir booliiska. Akhri macluumaad dheeraad oo ku saabsan Kaadhadhka Amaahda (Credit Card).

Jidhnacayb - dembiyada midabtakoorka

Booliiska iyo guud ahaan dadka reer Niyuusiilaan u dulqaadan mayaan meelkadhacyo ku salaysan qofka midabkiisa. Gefefkaas oo kale waxaa loo yaqaan dembi "jidhnacayb". Faldembiyeedka noocaas ah marka lasoo gaadhsiiyo booliiska, baadhitaan culus ayaa lagu sameeyaa. Booliisku waxay toos ula shaqeeyaan wakiilada jaaliyadaha qowmiyadaha-laga badan yahay- ururada sida Guddiga Xuquuqda Aadamiga si loo difaaco xorriyedda iyo xuquuqda dhammaan jaalliyadaha Niyuusiilaan. Haddaad ka warhayso gefef midabtakoor ku salaysan, ama dhibaatooyin loo geysanayo qoyskaaga ama jaalliyeddaada waa in aad soo sheegtaa.